DASTUURKA CUSUB EE SOOMAALIYA PDF

Qodobka 57aad. Xilka Xeerdejinta ay Wadaagaan Labada Gole: Xilka sharci-dejinta ee ay wadaagaan labada gole waxaa ka mid ah: a Markii loo baahdo Aqalka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka iyo Aqalka Dawladaha Federaalka ka mid ah waxay qabsanayaan fadhiyo wadajir ah, waxaana fadhiyadaa hoggaaminaya Guddoomiyaha Aqalka Sare ama xubin kale oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah hadba sida ay xeerka iyo nidaamka aqalladu dhigayaan. Qodobka 58aad. Ka hor inta aan qofka la oggolaan murashaxnimadiisa, Guddiga Qaranka ee Madax Bannaan ee Doorashooyinka waa inuu hubiyo in musharraxu buuxiyey shuruudaha ku cad qodobkan. Qodobka 59aad. C Xubinta oo istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay, lagana oggolaado.

Author:Gular Virn
Country:Swaziland
Language:English (Spanish)
Genre:Life
Published (Last):10 November 2013
Pages:361
PDF File Size:10.5 Mb
ePub File Size:19.77 Mb
ISBN:589-5-23489-227-7
Downloads:25729
Price:Free* [*Free Regsitration Required]
Uploader:Voshura



Qodobka 57aad. Xilka Xeerdejinta ay Wadaagaan Labada Gole: Xilka sharci-dejinta ee ay wadaagaan labada gole waxaa ka mid ah: a Markii loo baahdo Aqalka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka iyo Aqalka Dawladaha Federaalka ka mid ah waxay qabsanayaan fadhiyo wadajir ah, waxaana fadhiyadaa hoggaaminaya Guddoomiyaha Aqalka Sare ama xubin kale oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah hadba sida ay xeerka iyo nidaamka aqalladu dhigayaan.

Qodobka 58aad. Ka hor inta aan qofka la oggolaan murashaxnimadiisa, Guddiga Qaranka ee Madax Bannaan ee Doorashooyinka waa inuu hubiyo in musharraxu buuxiyey shuruudaha ku cad qodobkan. Qodobka 59aad. C Xubinta oo istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay, lagana oggolaado. D Ka-maqnaansho labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga ayada oo aanay jirin sabab maangal ah. E Haddii ay xubintu aqbasho xil Dawladeed aan wasiir ka ahayn F Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaaddinnimo, sida ku cad Sharciga.

Haddii xubin ka mid ah Baarlamaanka Federaalka lumiso xubinnimadeeda waxaa baddelaya qofka doorashadii hore ku xigey. Sharciga doorashada ayaa caddaynaya habraaca loo marayo xulashada xubin- sugaha, waana in lagu dhaariyo 30 beri gudohood laga bilaabo maalinta xildhibaanka uu beddelayaa lumiyey xubinnimada Baarlamaanka.

Qodobka 60aad. Muddada xil-haynta 1. Muddada xil-haynta Baarlamaanka Federaalku waa 4 afar sano oo ka bilaabata maalinta natiijada doorshada lagu dhawaaqo. Xildhibaan kasta oo Baarlamaanka Federaalka ka mid ah dib ayaa loo dooran karaa.

Qodobka 61aad. Xilka Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Xubin kasta oo ka mid ah labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka marka ay xilkeeda gudaneyso waa in ay ku shaqaysaa sida ay danta qaranku ku jirto.

Iyada oo oofinaysa waajibaadka ku cad faqradda 1 ee qodobkan, xubin kasta oo ka mid ah Golaha Shacabka, xil gaar ah ayaa ka saaran matilaadda degaan-codbixiyeyaasha laga soo soo doortay, iyadoon loo eegin siyaasad iyo taageerid xisbiyo kale.

Xubin kasta oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka wuxuu xil gaar ahi ka saaran yahay matalaadda danaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka ee uu matalayo iyo in uu ilaaliyo nidaamka Federaalka, kuna shaqeeyo dareen iskaashi Federaalnimo. Qodobka 62aad. Guddiyada Wadaagga ee Baarlamaanka Federaalka Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ahi waxa ay dhisan karaan guddiyo wadaag ah oo hawlahooda u fududeeya.

Awoodaha Xeer-dejinta Golaha Shacabka Golaha Shacabku ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matilaa dhammaan shacabka Soomaaliya, Awoodda sharci-dejinta ee Golaha shacabku keligii leeyahay waxaa ka mid ah: A Ka-qaybgalka wax ka beddelidda Dastuurka, si waafaqsan Cutubka 15aad; B Ansixinta, wax ka beddelidda iyo diidmada sharciyada la horgeeyo, si waafaqsan Cutubkan iyo Cutubka15aad; C Ka-baaraandegidda sharciyada uu ansixiyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka; D U-igmashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka awoodaha sharci-dejinta marka laga reebo wax ka beddelidda Dastuurka.

Qodobka 64aad. Tirada xubnaha Golaha Shacabka Xubnaha Golaha Shacabka waxaa si toos ah, qarsoodi ah, oo madaxbanaani ku dooranaya shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Tirada guud ee xubnaha Golaha shacabka waa in ay matilaad isu dheellitiran ku yeeshaan dhammaan qaybaha bulshada. Qof kasta oo noqda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, marka uu xilka banneeyo, wuxuu noqonayaa xildhibaan Golaha Shacaba inta uu nool yahay haddii aan xil-kaqaadis lagu samayn iyadoo aanay muddadii xil-hayntiisu dhammaan si waafaqsan qodobka 92aad ee Dastuurkan, tirada xildhibaanadana dheeraad ayuu ka yahay.

Qodobka 65aad. Haddii ay dhacdo waqtiyada qaar in ay maqanaadaan Guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisu, Goluhu waa in uu mid ka mid ah xubnihiisa u doortaa in uu noqdo shir-gudoomiye ku- meel-gaar ah.

Guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa waxaa codayn qarsoodi ah ku doorta aqlabiyadda tirada guud ee xubnaha Golaha Shacabka ee Federaalka ah, xilkana kaga qaada codbixinta saddex dalool laba dalool xubnaha Golaha Shacabka Federaalka ah.

Qodobka 66aad. Kal-Fadhiyada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Golaha Shacabka ee Federaalka ah ee cusub, fadhigiisa koowaad waa inuu ku qabsoomaa soddon 30 maalmood gudahood kaddib marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada guud. Golaha Shacabku ee Federaalka ihi waa inuu sannad kasta yeeshaa labo kalfadhi oo caadi ah oo ugu yaraan midkiiba socdo afar 4 bilood.

Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka Federaalka ah ayaa lagu xaddidayaa waqtiyada iyo taariikhda kalfadhiyada caadiga ah ee Golaha Shacabka iyo xilliyada nasashada. Qodobka 67aad. Kala-dirista Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Lama kala diri karo Golaha Shacabka ka hor dhammaadka muddadiisa afarta sano ah marka laga reebo haddii uu Goluhu awoodi waayo in uu ansixiyo golaha wasiirrada iyo barnaamijka Dawlada sida ku xusan qodobka aad c ee dastuurkan.

Qodobka 68aad. Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah Golaha Shacabku ee Baarlamaanka Federaalka ah waa in uu samaystaa xeer-hoosaadkiisa, kaas oo siinaya ka-qaybgal buuxa xubnihiisa. Golaha Shacabku ee Baarlamaanka Federaalka ah wuxuu isu qaybinayaa guddiyo u kala xilsaaran hawlihiisa. Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah marka la horkeeno sharci qabyo ah wuxuu u xilsaarayaa guddiga qaabilsan, si uu uga soo baaraandego, talana uga soo jeediyo fadhiga loo dhan yahay ee Golaha.

Sharci qabyo ah oo Goluhu diidey dib looguma soo celin karo Golaha ilaa ay ka soo wareegato soddon 30 maalmood maalinta Goluhu diidey. Xeer-hoosaadka Golaha waa inuu qeexo mararka ay lagama maarmaan noqonayso in Golaha Shacabku yeesho fadhiyo ay albaabadu u xiranyihiin. Qodobka 69aad. Awoodaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah wuxuu leeyahay awood sharci-dejin oo ah: a Inuu ansixiyo, wax ka beddelo ama diido sharciyada la horkeeno; b Inu curiyo sharci kasta oo cusub oo aan ka ahayn kan la xiriira miisaaniyadda sanadlaha ah, kaas oo uu diyaarinayo Golaha Wasiirrada.

Qodobka 70aad. Xasaanadda Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Xildhibaanka Golaha Shacabka dhibaato kama soo gaari karto fikradda ama codka uu ka hor dhiibto Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo guddiyadiisa. Haddii aan laga haysan oggolaansho Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah, Xildhibaanka laguma qaadi karo dacwad ciqaabeed; lama xiri karo lamana baari karo qof ahaan, hoygiisa ama meeshii kale ee u gaar ah haddaan lagu qaban isagoo faraha kula jira dembi sharci ahaan khasab ay tahay in laga soo saaro amar qabasho ah.

Sidoo kale haddii aan laga helin oggolaansho Golaha Xildhibaanka lama qaban karo, xabsina laguma hayn karo iyadoo la fulinaayo xukun maxkamadeed oo xataa kama dambays ah. Dacwad aan ahayn mid ciqaabeed Xildhibaanka waa lagu furi karaa, iyadoo aan oggolaansho la weydiisan Golaha Shacabka. Gunnooyinka iyo daryeelka kale ee ay xaqa u leeyihiin Xildhibannada Golaha Shacabka waxaa laga bixinaya Khasnadda Dhexe ee Xukuumadda Federaalka.

Qodobka 71aad. Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matalaa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, masuuliyadihiisa sharci-dejintaba waxaa ka mid ah: a Ka qayb qaadashada wax ka beddelidda Dastuurka, si waafaqsan Cutubka 15aad; d Ansixinta, wax ka beddelidda iyo diidmada sharciyada la horkeeno, si waafaqsan Qodobbada Qodobka 72aad.

Qodobka 73aad. Qodobka 74aad. Kalfadhiyada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Golaha cusub ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, fadhigiisa koowaad waa inuu ku qabsoomaa 30 maalmood gudahood, kaddib marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada guud.

Taariikhda fadhiga la qabanayo waxaa goynaya Guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waa inuu sannad kasta yeeshaa labo kalfadhi oo caadi ah oo ugu yaraan midkiiba socdo afar 4 bilood. Xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu xaddidayaa, waqtiyada iyo taariikhda kalfadhiyada caadiga ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka iyo xilliyada nasashada. Qodobka 75aad.

Xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku waa in uu samaystaa xeer-hoosaadkiisa, kaas oo kaqaybgal buuxa siinaya xubnihiisa. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka wuxuu isu qaybinayaa guddiyo u kala xilsaaran hawlihiisa.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka marka la horkeeno sharci qabyo ah wuxuu u xilsaarayaa guddiga qaabilsan si uu uga soo baaraandego talana uga soo jeediyo fadhiga loo dhanyahay ee Golaha. Sharci qabyo ah oo Goluhu diiday dib looguma soo celin karo Golaha ilaa ay ka soo wareegato soddon 30 maalmood maalinta Goluhu diiday. Qodobka 76aad. Qodobka 77aad. Ka-qaybgalka Wasiirrada ee Fadhiyada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Wasiirradu waxay ka soo qayb geli karaan fadhiyada, kana hadli karaan, iyaga oo aan cod ku lahayn.

Golaha Baarlamaanka Aqalka Sare ama Guddiyadiisu waa in ay si qoraal ah ugu diraan arrimaha ay ugu yeeranayaan ugu yaraan toddobaad ka hor maalinta ay u muddeeyeen. Qodobka 78aad. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka lama kala diri karo. Si waafaqsan Dastuurka, habraaca sharci-dejintu waa hindise sharciyeed qabyo ah oo ku saabsan: a Dib-u-eegidda iyo soo jeedinta wax ka beddelka Dastuurkan dib ugu noqoshada Dastuurkan; b Qoridda iyo diyaarinta sharci qabyo ah oo cusub oo aan la xiriirin miisaaniyad-sanadeedda; c Soo-jeedinta sharci-qabyo ah oo cusub oo aan la xiriirin miisaaniyad-sanadeedda; d Dib-u-eegid sharci hore u jirey.

Ka doodidda sharci qabyo ah oo la xariira wax ka beddelka Dastuurkan waxay ka billabanayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka. Ka-doodidda sharci kasta oo qabyo ah wuxuu ka bilaaban karaa mid kasta oo ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Qodobka 80aad. Sharci qabyo ah oo heer qaran ah, waxaa curin kara: a Golaha Xukuumadda; ama b Ugu yaraan toban 10 xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah, marka laga reebo sharci qabyo ah oo la xiriira arrimaha miisaaniyadda sanadlaha ah oo Golaha Xukuumadda oo keliyihi curin karo.

Sharciyada qabyada ah waxaa Golaha Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah u soo bandhigi kara: a Ugu yaraan hal wakiil oo ka socda Dowladaha Xubinta ka ah Federaalka; ama b Guddi kasta oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah.

Qodobka 81aad. Labada Aqal ee Baarlamaankuba way curin karaan Sharci. Aqalka Shacabka oo keliya ayaa leh awoodda diidmada sharci qabyo ah. Haddii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah uu dhex yimaado khilaaf ku saabsan sharci qabyo ah, mid kasta oo ka mid ah labada Aqal ayaa Guddi wadajir ah oo ka kooban labada Aqal ugu baaqi kara in uu isku dayo in uu xalliyo khilaafaadka iyo in uu labada Aqal u soo jeediyo sharci qabyo ah oo la is-waafajiyey iyada oo laga duulayo iskaashiga dowladaha ee ay dhigayaan Qodobbada 51aad iyo 52aad.

Golaha Shacabka oo keliya ayaa sharci qabyo ah u diri kara Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, una faafiyo si rasmi ah. Qodobka 82aad. Hindise sharci qabyo ah oo ka bilawday Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Golaha Shacabka marka la horkeeno handise sharci qabyo ah waxaa u furan inuu sameeyo mid ka mid ah sida soo socota: a Inuu u ansixiyo sharcigaas sida uu yahay ama inuu ansixiyo isagoo wax ka beddelay, markaa loo diro Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka si uu u ansaxiyo; b In uu diido, kuna wargeliyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, isagoo raacinaya sababaha loo diidey.

Marka Aqalka Sare uu soo gaaro sharci qabyo ah oo uu soo ansixiyay Golaha Shacabka, waxaa u furan mid ka mid ah arrimaha soo socda: a Inuu u ansaxiyo sida Golaha Shacabku ugu soo gudbiyay sharcigaas ka dibna dib ugu diro Golaha Shacabka; b In ay ku sameeyaan wax ka beddel iyagoo sababeynaya isbeddeladaa, dibna ugu diraan Golaha Shacabka; c In ay diidaan una gudbiyaan Golaha Shacabka iyagoo raacinaya sababaha ay u diideen.

Marka Golaha Shacabka uu soo gaaro hindise sharci qabyo ah oo u soo ansixiyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ihi, waxay u dirayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, uguna soo saaro faafinta rasmiga ah.

Qodobka 83aad. Hindise Sharci oo Qabyo ah oo ka bilowday Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Markuu Aqalka Sare soo gaaro hindise sharci oo qabyo ah, waxaa u furan inuu sameeyo mid kamid ah, arimaha soo socda: a Inuu ku ansixiyo sharcigaas sida uu yahay ama isagoo wax ka beddel ay kaddibna u gudbiyo Golaha Shacabka si uu u oggolaado; b Inuu diido sharcigaas kuna wargaliyo Golaha Shacabka isagoo raacinaya sababaha uu ku diiday.

BOSCH KBD-DIGITAL PDF

DASTUURKA SOOMAALIYA 2012 PDF

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dawladda iyo Diinta Saraynta Sharciga Calanka iyo Astaanta Qaranka Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Shacabka iyo Jinsiyadda Magaalo-madaxda Qaranka

APRENDE INGLES EN 7 DIAS RAMON CAMPAYO PDF

Dastuurka Soomaaliya

Shalrajas Prasanna Chandra, Managing Investments. Our suggestion engine uses more signals but entering a few keywords here will rapidly give you great content to curate. Larger units of time includes. Prasanna chandra — Free download as Text File.

Related Articles